DEG-DEG: Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Badalka Jurgen Klopp.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay durba bilowday dadaalada ay doonayso in ay kula soo saxiixato tababaraha kooxda Bayer Leverkuen ee Xabi Alonso.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa nolol ka dambaysa Bixitaanka Jurgen Klopp kaas oo xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa Xabi Alonso u calaamdsatay badalka macquulka ah ee Jurgen Klopp iyaga oo doonaya in ay tababare ka dhigtaan xiddigoodii hore.

Sida laga soo xigtay Mirror, Liverpool ayaa haatanba la xidhiidhay wakiilada Tababare Xabi Alonso si ay ugu qacniyaan in uu yimaado kooxda.

Xabi Alonso ayaa dhinaciisa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu buuxiyo booska Klopp si uu ugu laabto kooxda uu Halyeeyga ka yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga