Dhibcaha Ay Xiddigaha Kala Duwan Heleen Abaalmarintii Ballon d’or Oo La Soo Saaray.

Faahfaahin ayaa soo baxday oo muujineysa sida 100-ka xubnood suxufiyiinta ay u codeeyeen sanadka 2024-ka abaalmarinta Ballon d’Or-ka taas oo keentay in uu Rodri ku guulaysto abaalmarinta isaga oo ku garaacay Vinicius Junior.

Hannaanka codeynta ayaa waxaa ka qeyb galay 100 wariye oo mid walba uu ka socday mid ka mid ah 100-ka waddan ee ugu sarreeya qiimeynta ragga ee FIFA.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 99 saxafi ayaa codkooda dhiibtay sanadkan, maadaama aysan Suuriya ka qeyb qaadan.

10-ka musharax ee ugu sareeya ka soo doortay 30 ciyaartoy, iyadoo lambarka koowaad uu helay 15 dhibcood, kan labaadna 12 dhibcood.

Rodri ayaa ku dhameystay 1,170 dhibcood, halka Vini uu soo galay kaalinta labaad isagoo leh 1,129 dhibcood.

Waxa ku xigay xiddiga Jude Bellingham oo helay 917 dhibcood halka xiddiga Real Madrid ee Dani Carvajal helay 550 dhibcood.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga