DEG-DEG: Xabi Alonso Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Bayern Munich & Liverpool.

Tababaraha Bayer Leverkusen ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool.

Mustaqbalka Alonso ayaa si weyn loo hadal hayaa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ka soo saaray kooxdiisa Leverkusen.

Kooxda Leverkusen ayaa 8 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa keentay in ay kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ku dagaalamaan saxiixa tababaraha reer Spain.

Xabi Alonso oo ka hadlaya mustaqbalkiisa: “Bayern, Liverpool? Ma hayo wax cusub oo aan sheego”.

“Hadda waxaan ahay tababaraha Bayer Leverkusen, taasina waa hubaal. Wixii ku saabsan mustaqbalka, ma hayo wax cusub oo aan sheego.”

“Wicitaan ka yimid Bayern? Taasi waa mala-awaal kaliya, mar labaad – ma hayo wax cusub oo aan sheego. “

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga