DEG-DEG: Van Dijk Oo Xaqiijiyay In Uu Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah Kula Jiro Liverpool.

Kabtanka iyo daafaca kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen wadahadalada heshiis kordhintiisa Liverpool si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Heshiiska Van Dijk ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 30, 2025 waxana uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa kooxda 1-aad.

Van Dijk ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Liverpool wuxuuna ku yidhi“Waxaan si hubaal ah u odhan karaa inay jiraan wada xaajoodyo socda”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Laakin ma garanayo waxa dhici doona, waa in aan sugno mustaqbalka oo aan ogaano sida ay wax ku dhamaan doonaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan si buuxda diirada u saaray Liverpool, waxa aan doonayaa in aan guulaysto kulamo, mana jirto wax kale, wax fikrad ah kama haysto waxa uu mustaqbalka noqon doono wakhti xaadirkan, waxa kaliya oo aan kuu sheegi karaa in wada xaajoodku bilaabmay”.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan sugeynaa natiijada ka soo baxda wada xaajoodka ka hor inta aanan wax go’aan ah qaadan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga