DEG-DEG: Napoli Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Man United.

Kooxda Napoli ayaa dalab Rasmi ah ka soo gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Alejandro Garnacho sida ay sheegayaan wararku.

Napoli ayaa xiddiga Alejandro Garnacho u aragta xiddig buuxin kara booska uu ka baxayo xiddiga Kvarastakhelia kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda PSG.

Napoli ayaa miiska u saartay kooxda Man United dalab lacageed oo dhan 38 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga reer Argentine.

Sidoo kale lacagta 38-ka milyan waxa ku jira lacago guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka xiddiga ee kooxda Napoli.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa diiday dalabka kooxda Napoli iyaga oo doonaya wax ka 60 milyan oo euro.

Napoli ayaa la sheegayaa in ay la soo laaban doonto dalab cusub maadama ay ka go’antahay in ay hesho saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga