DEG-DEG: Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Helay Dalab Waali Ah.

Kooxda Al Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato Darwin Nunez, xiddiga Liverpool bishaan January.

Shabakadda Anfield Watch ayaa sheegtay in kooxda Al Hilal ay diyaar u tahay inay soo bandhigto dalab aad u weyn oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga.

Warar ayaa intaas ku daryaa in ay kooxda sucuudiga ka ciyaarto ay diyaar u tahay in ay 400 milyan Gini mushahar siiyaan xiddiga.

Nunez ayaa door bidaya inuu ka ciyaaro Yurub, laakiin dalabka Al Hilal lama diidi karo, maadaama uusan mushaarkan weyn ka heli doonin koox kale.

Qandaraaska Nunez ee Liverpool wuxuu dhacayaa ilaa Juun 2028.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga