Arsenal Oo Doonaysa Weeraryahan Lagu Qiimeeyo 80 milyan Laakiin.

Mar kale hadal haynta ugu badan ee Arsenal ayaa noqotay weeraryahan kadib markii Laga reebay tartanka FA cup-ka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa si weyn ugu dhibaatootay goolka hortiisa kulankii Fa cup ee ka dhacay Emirates.

Taageerayaasha Arsenal ayaa is waydiinaya hadii ya kooxdoodu u dhaqaaqi karto weeraryahan Suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa xiiso qabta saxiixa weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres, sida laga soo xigtay Independent.

Laakiin weeraryahanka ayaa la filayaa inuu ku kici doono ku dhawaad 80 milyan ginni Gunners ayaana doorbideysa inay qarash gareyso xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga