DEG-DEG: Ku Guulaysigii Man United Ee FA Cup-ka Oo Dhirbaaxo Ku Noqotay Chelsea, Sabab.

Kooxda Man United ayaa ku guulaystay FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaaceen kooxda Man City.

Goolal ay dhaliyeen Mainoo iyo Garnacho ayaa man United ka caawiyay in ay ku guulaysato koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darted Man United ayaa u soo baxday tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.

United ayaa ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka sidaas darteed waxa ay u baahnayd si ay ugu guulaysato koobka si ay ugu soo baxdo Europa League.

Arintan ayaa dhabar jab ku noqotay kooxda Chelsea oo ka qayb gali doonta tartanka UEFA Conference xilli ciyaareedka dambe.

Maadama ay Man United ku guulaystay FA Cup-ka isla markaasna ayna uga soo bixin tartamada yurub dhinaca premier League waxa ay booska kala baxday Chelsea oo markii hore u soo baxday Europa League laakiin haatan u dhaadhacday horyaalka UEFA Conference

1 Comment

  1. Ma, Europe league baa wax laga badalatay kii hada dhamaday England 3 bay kulahayna
    Liverpool
    West ham
    Brighton
    Conference Aston villa

Dhiibo Fikirkaaga