Manchester City ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqday in Enzo Maresca loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.
Maresca, oo beddelaya Pep Guardiola, ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya saddex sano.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa bixin doonta in ka badan £17 milyan oo magdhow ah si ay uga soo qaadato Chelsea.
Maresca ayaa hore uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo ahaa kaaliyaha Pep Guardiola xilligii kooxda ay ku guuleysatay saddexleyda (Treble) sanadkii 2023.
Tababarahaan 46 jirka ah ayaa sidoo kale hoggaamiyay kooxda da’yarta ee Elite Development Squad, isagoo ku hoggaamiyay inay ku guuleystaan horyaalka Premier League 2 xilli ciyaareedkii 2020/21.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kooxda kaddib magacaabistiisa, Maresca ayaa yiri:
“Manchester City waa koox si heer sare ah loo maamulo. Wax kasta oo ay qabtaan waa kuwo hal-abuur leh, si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana leh ujeeddo cad. Tababare ahaan, taasi waa jawi aad loo jeclaan karo. Waxay i siinaysaa xasilloonida aan u baahanahay si aan shaqadayda ugu qabto si hufan.
Tani waxay ii noqonaysaa markii saddexaad ee aan halkan ka shaqeeyo. Waan aqaan kooxdan, waan garanayaa heerka laga filayo iyo waxa laga doonayo.”
Be the first to comment