DEG-DEG: Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa haatan sheegay in ay kooxda Arsenal dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Benfica kaas oo ay ka dhigteen saxiixooda ugu horeeya.

Saxafiga ayaa sheegay in ay Arsenal Nuno Tavares ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay waliba la dhamaystiray wax walba oo heshiiska ahaa haatana kaliya dhimantahay in lagu dhawaaqo saxiixa.

Romano ayaa sheegay in ay Arsenal ka bixinayso xiddiga 21 jirka ah lacag dhan 8 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah.

Arsenal ayaa markii hore doonaysay in ay heshiis isku badalasho ah l samayso kooxda Benfica isla markaasna siiso xiddiga Mateo Guendouzi laakiin xiddiga Guendouzi ayaa diiday in uu heshiiska ka qayb noqdo

Saxafiga ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Heshiiskii uu Nuno Tavares ugu biirayay Arsenal waa dhamaaday, Waa la xaqiijiyay, labada kooxood waxa ay kala saxiixdeen heshiiska Gunners-na waxa ay bixinaysaa lacag dhan 8 milyan oo euro iyo gunooyin”.

“Arinta xiisaha leh ayaa ahayd in ay Arsenal doonaysay in ay Guendouzi ku badalato Tavares laakiin xiddiga Guendouzi ayaa diiday heshiiska sababta oo ah waxa uu doonayay in uu ku biiro Marseille

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*