Dib U Eegid: Marcus Rashford Riyo Cajiib Ah Xasuusiyay Taageerayaasha Man United.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa taageerayaasha kooxdiisa xasuusiyay Halyeeyo u soo jabay Man United.

Marcus Rashford Ayaa daqiiqadii 8-aad hogaanka u dhiibay kooxdiisa isaga oo gool waali ah u dhaliyay hogaankana ugu dhiibay.

Kadib goolkaas Marcus Rashford ayaa Taageerayaasha Masraxa riyada xasuusiyay Halyeeyada Wayne Rooney & Eric Cantona.

Xiddiga reer England ee Rashdord ayaa goolkiisii 5-aad ka dhaliyay Man City horyaalka premier League tan iyo markii uu kulankii ugu horeeyay ka hor tagay.

Xiddiga Rashford ayaa kaliya ka dambeeya Halyeeyyada Wayne Rooney (8) & Eric Cantona (7) kuwaas oo ka dhaliyay goolasha ugu badan Kooxda Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga