Chelsea Oo Loo Sheegay Tababaraha Ay Tahay In Ay Ku Badasho Mauricio Pochettino

Emmanuel Petit ayaa sheegay in Mauricio Pochettino ‘uusan wax fikrad ah ka haysan waxa uu doonayo in uu ku sameeyo’ Chelsea waxana uu rumaysan yahay in kooxdu ay tahay in ay ka fikirto in ay dib u soo ceshato Jose Mourinho mar saddexaad.

Inkasta oo ay kooxdu suuqa galisay wax ka badan 1 bilyan oo euro hadana kooxda ayaa ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta premier League.

Guuldarooyin xidhiidh ah oo ay kala kulmeen Liverpool iyo Wolves ayaa cadaadiska ku sii kordhisay Pochettino iyada oo haatan taageerayaasha kooxdu dalbanayaan in la caydhiyo.

ciyaaryahankii hore ee Chelsea iyo France Petit ayuu ka dhamaaday samirku waxaana uu dareemayaa in luqadda xun ee tababaruhu u muuqato mid sii socda.

“Aad ayaan uga niyad jabay qaab ciyaareedkii Chelsea ee kulankii Wolves” Petit ayaa sidaa u sheegay Compare.bet.

Waxay u ekaayeen kuwo aan habaysanayn, xeelad ahaan waxay ahaayeen kuwo qasan, ma jirin dagaal ay muujiyeen xiddigaha”.

“uma muuqdo mid fahsamn waxa uu doonayo in uu sameeyo, luuqadiisu waxa ay muujinaysaa niyad jab mana ahan mid fiican”.

“Waxa aan arkay in Jose Mourinho laga caydhiyay shaqada AS Roma, waa in ay dib u soo celiso Jose Mourinho”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga