Cesc Fabregas Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Liverpool.

Cesc Fabregas ayaa sheegay in ‘marnaba shaki kuma jirin’ in Arsenal ay ku jirto tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu sheegay in uu aaminsan yahay in kooxdiisii hore 100% ku guulaysan karto horyaalka.

Arsenal ayaa 2 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool kadib markii ay ka badiyeen kooxda Reds premier Leageu.

Mar la weydiiyay haddii guushii Arsenal ay gaartay isbuucii hore ay xaqiijisay in kooxdu ay qeyb ka tahay tartanka seddex geesoodka ah ee Liverpool iyo Manchester City, Fabregas ayaa u sheegay podcast-ka Planet Premier League: ‘Miyaa shaki ku jiray arrintan? Weli waa wakhti hore kaliya waa bilowgii February”.

“Ma jiro qof Manchester City ka saaraya tartanka horyaalka premier League, Liverpool-na ilaa hadda waa ay shidneyd”.

Arsenal waa gaajaysan tahay, way korayaan. Had iyo jeer waxaanu halkan ku nidhi dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay inay heli doonaan fursado ay ku joogaan halkaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga