XASUUS: Maanta Oo Kale Liverpool Oo Xasuuqday Man United.

Maanta oo kale sanad ka hor Liverpool ayaa Man United ku soo dhawaysay Anfield waxayna noqotay dhacdo taariikhi ah.

Reds ayaa 7-0 ku xasuuqday kooxda Man United iyadoo Cody Gakpo, Dawin Nunez iyo Mo Salah ay min laba gool dhaliyeen.

Roberto Firmino uu oo Reds ku qaadanayay sanadkii ugu dambeeyay ayaa soo afjaray goolashii ay kooxdiisu ku xasuuqday Man United.

Tani waxay ahayd guuldaradii ugu xumayd ee Man United soo gaadha taariikhda, waxayna barbaraysay saddex guuldaro oo 7-0 ah oo dhacay 1920-meeyadii iyo 1930-kii.

Waxa kale oo ay ahayd guushii ugu waynayd ee ay Liverpool ka gaadho kooxda ay xifaaltamaan ee ay sida wayn u xifaaltamaan, waxaanay kaga gudubtay 7-1 lagu xasuuqay taas oo ka dhacday garoonka Anfield sanadkii 1895 kii.

Ku raaxayso waxyaabaha ugu muhiimsan ee ciyaartan taariikhiga ah!

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga