
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa heshiis afka ah la gaaray inuu ku biiro Napoli, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Talyaaniga.
33-sano jirkaan ayaa noqon doona wakiil xor ah xagaagan ka dib markii City ay go’aansatay inaysan cusbooneysiin qandaraaskiisa oo dhacaya bisha June.
De Bruyne ayaa ku adkeysanaya inuu weli ka ciyaari karo heerka ugu sareeya, waxaana uu diiday inuu meesha ka saaro u dhaqaaqista Premier League.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa horey u helay xiiso badan iyadoo Aston Villa iyo kooxda MLS ee Chicago Fire ay ka mid yihiin kooxaha la soo xiriiray.
Si kastaba ha ahaatee, Sky Sport Italy ayaa ku warameysa in De Bruyne uu ogolaaday Napoli, waxaana uu u cadeeyay kooxda in isaga iyo qoyskiisa ay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan Italy.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in Napoli aysan weli heshiis ka gaarin qandaraaska, laakiin kooxda ku guulaystay horyaalka Talyaaniga ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa.
Be the first to comment