Carlo Ancelotti Oo Diiday In Ay Real Madrid Ka Qayb Gasho Tartanka FIFA Club World Cup, Sabab.

Carlo Ancelotti ayaa si cad u sheegay in Real Madrid ay diidi doonto martiqaadka FIFA ee ah in ay ciyaaraan koobka kooxaha aduunka ee FIFA 2025.

Isagoo la hadlayay Ill Giornale, wuxuu yiri: “Real Madrid ma tagi doonto koobka kooxaha aduunka, FIFA way illoobi kartaa taas, ciyaartoyda kubada cagta iyo naadiyada kama qeyb gali doonaan tartankaas”.

“Kulan kaliya oo Madrid ah ayaa qiimihiisu yahay 20 milyan euro, FIFA waxay doonaysaa inay na siiso tiradaas tartanka oo dhan, sida Real Madrid kooxo badan oo kale ayaa diidi doona”.

FIFA ayaa dib u habeyn ku sameyneysa qaab ciyaareedkooda Koobka Kooxaha Adduunka laga bilaabo 2025.

Sanadka soo socda ayaa la qaban doonaa xilli ciyaareedka ka horeeya (June ilaa July) Los Blancos ayaa ka mid ah 12-ka kooxood ee Yurub ee u soo baxay.

Laakiin iyada oo hay’adda caalamiga ah ay bixiso abaal-marin dhaqaale oo yar kooxda Real Madrid ayaa laga yaabaa in ayna ku qanacsanayn.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga