Arteta Oo Shaaciyay Waxa Ay Dalbanayaan Ciyaartooyadiisu Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka.

Mikel Arteta ayaa sheegay in ciyaartoyda Arsenal ay dalbanayaan inay bilaabaan xilli ciyaareedka isku diyaarinta horraanta xagaagan.

Gunners ayaa bilawday isku diyaarinta xilli ciyaareedkii hore xilli hore markii koox ciyaartoy ah ay aadeen Marbella bishii June si ay ugu soo qaataan tababar.

Arteta ayaa daaha ka qaaday in kooxdu ay doonayaan inay sidaas oo kale sameeyaan xagaagan ka hor inta aysan u duulin safarka Hong Kong iyo Singapore bisha July.

“Ciyaartoyda ayaa dalbanaya,” ayuu yiri Arteta.

“wakhti xaadirkan suurtagal ma ahan in jawi fiican oo diiran oo cad-ceed ah la qaato”

“Kadib 6 todobaad kadib waxa aan soo laabanaynaa anaga oo buuxna oo diyaar u ah xilli ciyaareed cusub”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga