Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si kulul uga hadlay go’aankii garsooraha uu Sunderland ugu dhigay rigoore, inkastoo kooxdiisu ugu dambeyn 2-0 ku garaacday Sunderland oo ay hoggaanka Premier League la wareegtay, Arsenal ayaa sii wadatay bilowgeeda boqolkiiba 100-ka ah ee xilli ciyaareedka, kaddib markii ay goolal ka heleen Bruno Guimarães iyo Bukayo Saka, balse ciyaartu waxay si weyn isu beddeli kartay haddii Sunderland ay ka faa’iideysan lahayd fursaddii rigooraha.
Markii ciyaartu ahayd 0-0, garsoore John Brooks ayaa Sunderland u dhigay rigoore, kaddib markii uu u arkay in Ezri Konsa uu dhulka jiiday Dan Ballard xilli Sunderland ay sugaysay laad koorne ah.
Go’aanka ayaa waxaa dib u eegay VAR, balse waxaa la xaqiijiyay in rigoore uu yahay. Si kastaba, goolhaye David Raya ayaa sameeyay badbaadin weyn, isagoo hoos ugu booday dhinaciisa bidix, isla markaana ka celiyay laadkii Enzo Le Fée, Inkasta oo Arsenal ay ugu dambeyn guuleysatay, Arteta ayaan qarin caro weyn oo uu ka qabay go’aankaas.
Isagoo wareysi siinayay TNT Sports, Arteta wuxuu sheegay in guusha ay ahayd mid aad u weyn, balse ay ciyaartu si gebi ahaanba ka duwan u ekaan kartay haddii Sunderland ay dhalin lahayd rigooraha, Markii si gaar ah wax looga weydiiyay go’aanka, tababaraha reer Spain ayaa si cad u sheegay:- “Aad ayaan uga xanaaqsanahay, Waa wax aan la aqbali karin heerkan, Wax aan la aqbali karin.”
Arteta ayaa intaas ku daray in go’aan sidan oo kale ah uu saameyn weyn ku yeelan karo xilli ciyaareedka iyo tartanka horyaalka, Wuxuu sheegay inuu muuqaalka dhacdada daawaday ku dhawaad 10 jeer si uu u hubiyo waxa dhacay, isagoo ku adkeystay in aysan marnaba u arkin inay ahayd rigoore.
Arteta ayaa dhacdada ku tilmaamay wax u eg “judo roll”, isaga oo sheegay in kubadda cagta aan sidaas loogu bixin karin rigoore:- “Aragtidayda, iyo aragtida qof kasta oo kubad ciyaaray, taasi rigoore ma ahayn, Xaalad kasta, kulan kasta iyo horyaal kasta,” ayuu yiri Arteta.
Be the first to comment