Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si weyn u soo dhaweeyay saxiixa cusub ee kooxda Bruno Guimarães, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in ciyaaryahanka reer Brazil uu qayb ka noqdo Arsenal.
Arteta ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee uu Bruno kooxda kusoo kordhinayo ay yihiin tamar, gaajo guul iyo rabitaan uu ku doonayo inuu taariikh weyn la sameeyo Arsenal.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Bruno haysanno. Tamarta uu keeno, iyo gaajada iyo rabitaanka uu u qabo inuu halkan yimaado oo uu taariikh weyn la sameeyo kooxda,” ayuu yiri Arteta.
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale tilmaamay in Bruno uusan kaliya u imaan inuu kooxda ka mid noqdo, balse uu leeyahay hammi sare oo uu Arsenal ugu doonayo inay gaarto heer cusub.
“Wuxuu leeyahay hamiga ah inuu na geeyo heerka xiga,” ayuu Arteta ku daray.
Hadalladan ayaa muujinaya sida uu Arteta ugu kalsoon yahay saxiixa cusub, gaar ahaan iyadoo Arsenal ay dooneyso inay xoojiso khadka dhexe iyo awoodda ay ugu tartamayso koobabka xilli ciyaareedka cusub.
Bruno Guimarães ayaa Arsenal kusoo biiray isagoo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee khadka dhexe, waxaana Arteta rajeynayaa in tamartiisa, waayo-aragnimadiisa iyo hamigiisu ay kooxda ka caawiyaan inay gaarto heerka xiga.
Be the first to comment