Arsenal oo Saxiix Culus oo weeraryahan dilaa ah soo wadata waa kuma ?

Arsenal ayaa wada-hadallo la yeelatay Galatasaray, iyadoo labada kooxood ay ka wada hadlayaan arrimo la xiriira suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in magaca Victor Osimhen uu kasoo dhex baxay wada-hadallada labada kooxood.

Arsenal ayaa haatan isku dayaysa inay ciyaartoy ka fasaxdo kooxda, waxaana Galatasaray loo bandhigay laba ciyaaryahan oo kala ah Gabriel Martinelli iyo Ethan Nwaneri.

Osimhen oo Arsenal xiisaynaysa

Sida wararku sheegayaan, Arsenal ayaa horey u danaynaysay Victor Osimhen, xitaa xilligii Edu uu ahaa agaasimaha ciyaaraha kooxda.

Osimhen oo 27 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 22 gool tartamada oo dhan, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay in Galatasaray ay ku guuleysato horyaalka Turkiga.

Arsenal waxay xagaagan raadineysaa weeraryahan heer sare ah oo magac weyn leh, gaar ahaan kadib markii ay ku guuldarreysatay isku dayadii ay ku doonaysay Morgan Rogers iyo Vinicius Junior.

Galatasaray ayaa si cad u muujisay inay dooneyso inay sii haysato Osimhen, Kooxda Turkiga ayaa horey u diiday dalab lagu sheegay £111 milyan, kaasoo xagaagan uga yimid koox aan magaceeda la shaacin, balse la rumeysan yahay inay ahayd Al-Hilal ee Sacuudiga.

Sidaas darteed, Arsenal haddii ay si dhab ah u doonayso Osimhen, waxay wajihi doontaa hawl aad u adag.

Galatasaray ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay bixiso ku dhowaad £38 milyan si ay ula wareegto xiddiga reer Brazil.

Si kastaba, weli lama oga haddii Martinelli uu doonayo inuu u dhaqaaqo Turkey.

Arsenal waxay sidoo kale dooneysaa inay ka shaqeyso mustaqbalka Ethan Nwaneri.

Laakiin haddii 19-jirkan uu ka tagayo Emirates, waxaa la sheegay inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Jarmalka, halkii uu Turkey u tegi lahaa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga