
Arsenal ayaa rajeyneysa inay la soo saxiixato Martin Zubimendi iyo Christian Norgaard waqtiga tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda ee Spain.
Saxiixa kaliya ee Arsenal dhamaystirtay kuna dhawaaqday ayaa ah Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Chelsea.
Laakiin imaatinka Zubimendi ayaa qarka u saaran in lagu dhawaaqo sidoo kale Arsenal ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Brentford Norgaard kaas oo ku baasay tijaabada caafimaadka.
Hadii wax walba u dhacaan sida la filayo labada xiddig ee Khadka dhexe ayaa kooxda u raaci doona tababarka ay u aadi doonaan Singapore and Hong Kong 19 Bishan lagu jiro.
Be the first to comment