Liverpool Oo Joojisay Soo Laabashada Tababarka Iyo Jota Oo Sabab U Ah.

Kooxda Liverpool ayaa dib u dhigtay soo laabashada ciyaartoydeeda kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib geeridii naxdinta lahayd ee Diogo Jota.

Xiddiga Kop iyo xulka qaranka Portugal ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay magaalada Zamora ee dalka Spain subaxnimadii hore ee Khamiista, isagoo 28 jir ah, isaga iyo walaalkiis ka yar, Andre Silva.

Dhimashadiisa ayaa keentay in kooxda Merseyside ay dib u dhigto soo laabashada tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo la qorsheeyay manta oo Sabti ah.

Ciyaartoyda dhowr ah ayaa lagu waday in ay ku soo laabtaan tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Waxay hadda soo laaban doonaan Isniinta.

Kooxda Slot ayaa loo qorsheeyay inay kulankooda ugu horeeya ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka ciyaaraan 13 July iyaga oo la ciyaari doona Preston.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga