Arsenal Mise Man City? Taageerayaasha Man United Oo U Codeeyay Kooxda Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaysato Premier Leageu

Taageerayaasha Manchester United ayaa la waydiiyay in ay doortaan kooxda ay doonayaan in ay ku guulaysato horyaalka kooxaha Man City ama Arsenal.

Iyada oo Liverpool 5 dhibcood ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka iyada oo ay 3 kulan ka dhimantahay tartanka horyaalka ayaa u muuqda mid ka dhexeeya Man City iyo Arsenal.

Arsenal ayaa haatan hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka laakiin waxa ay ciyaartay hal kulan ka badan kulamada Arsenal ee horyaalka.

Labada kooxood midna uma fiicna in Man United maadama ay si weyn u xafiiltamaan hadana waxa la waydiiyay kooxda ay doonayaan in ay horyaalka ku guulaystay.

Codayn ay ka qayb qaateen taageerayaal ka badan 63 kun oo qof ayay taageerayaasha Man United ku sheegeen kooxda ay doonayaan in ay ku guulaysato horyaalka.

61% taageerayaasha Man United ayaa doonaya in ay Arsenal ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale 39% taageerayaasha Man United ayaa doonaya in ay Man City ku guulaysto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga