Arne Slot Oo Trent Alexander-Arnold U Hanjabay Iyo Mohamed Salah Oo Sabab U Ah.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa ka hadlay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah kadib wacdarihii uu ku soo bandhigay kulankii ay Axadii la ciyaareen kooxda chelsea Kulan ka tirsanaa premier League.

Labada kooxood ayaa ku kulmay wareegii 8-aad ee horyaalka Ingiriiska, garoonka Anfield, halkaasoo Liverpool ay ku badisay labo gool iyo hal.

Mohamed Salah ayaa si cajiib ah u soo bandhigay kulankaas, isagoo dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee rigoore, waxaana uu caawiyay goolkii labaad saaxiibkiis Curtis Jones.

Slot ayaa wax laga weydiiyay Mohamed Salah iyo qaab ciyaareedkiisa kulanka, wuxuuna ku jawaabay“Wax wanaagsan ayaa ah in inta badan haddii uu qof su’aal ka weydiiyo Mohamed Salah, had iyo jeer waxay ku saabsan tahay qandaraaskiisa, sidaas darteed. hadda way fiican tahay inaad i waydiisay sida ay muhiim u tahay!”.

“Mohamed Salah waa noo muhiim, sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa, xitaa Waxa aan Arnold u sheegay in uu Mohamed Salah ka ciyaari karo booskiisa sidoo kale”.

Waxa uu sharaxay: “Dadaalka daafaca ee uu Mohamed Salah sameeyay kulankaas si uu kooxda uga caawiyo arrintan waa mid aan ku farxay, si la mid ah goolashiisa iyo caawintiisa ayaa iga farxiyay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga