Goolhayihii hore ee xulka England, Joe Hart, ayaa saadaaliyay in Argentina ay ka yaabin doonto Spain oo ay ku guuleysan doonto final-ka Koobka Adduunka.
Spain ayaa kulanka Axadda ka dhacaya magaalada New Jersey ku soo galaysa iyadoo loo arko kooxda ugu cadcad ee koobka qaadi karta.
La Roja ayaa si ciyaar heer sare ah ku dhaaftay France wareegga afar dhammaadka, halka Argentina oo uu hoggaaminayo Lionel Messi ay goolal dambe ku garaacday England si ay u gaarto final-ka.
Inkastoo Spain ay soo bandhigtay kubbad qurux badan oo ku dhisan baasas iyo maamul ciyaareed, Argentina si weyn ugama aysan muuqan inay maamusho kulamadii wareegyada bug-baxa.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football, Joe Hart ayaa yiri:
“Way adag tahay inaan iska illoobo wixii dhacay habeenkii kale, sidoo kalena way adag tahay inaanan wax dareen ah ka qabin Argentina.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Laakiin haddii aan gabi ahaanba iska dhigo dhexdhexaad, aad ayaan ugu faraxsanahay kulankan, waxaana xiiseynayaa inaan arko sida Argentina ay u burburin karto kubadda quruxda badan ee Spain.”
Ugu dambeyn Hart wuxuu ammaanay Lionel Messi, isagoo yiri:
“Marka la gaaro waqtiyada waaweyn ee ciyaarta… Lionel Messi waa ciyaaryahan cajiib ah, heerka uu ku ciyaarayana waa mid aan caadi ahayn.”
Be the first to comment