Halyeeygii hore ee Brazil, Marcelo, ayaa magacaabay xulka uu rumeysan yahay inuu ku guuleysan doono Koobka Adduunka 2026.
Argentina iyo Spain ayaa Axadda ku kulmi doona ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka, taas oo lagu qaban doono New York New Jersey Stadium ee magaalada East Rutherford.
Labada xul ayaa u soo baxay final-ka kadib markii Argentina ay semifinal-ka ka adkaatay England, halka Spain ay garaacday France.
Si kastaba ha ahaatee, Marcelo ayaa doortay in Spain ay ku guuleysato Koobka Adduunka, isagoo ku ammaanay wadajirka iyo nidaamka ciyaareed ee xulka La Roja.
Kabtankii hore ee Real Madrid ayaa, sida ay baahisay CBS Sports Golazo, yiri:
“Waxaan ixtiraam weyn u hayaa Argentina. Laakiin aniga ahaan, Spain waxay leedahay ciyaar kooxeed aad u wanaagsan, sidaas darteed waxaan dooranayaa Spain.”
Argentina ayaa ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka sanadkii 2022, halka Spain ay koobkan qaaday sanadkii 2010, markii tartanka lagu qabtay Koonfur Afrika.
Be the first to comment