Waxyaabaha Taariikhda Galaya Ee Final-ka Koobka Adduunka 2026

Kulanka caawa dhex mari doona Argentina iyo Spain ma noqon doono oo keliya final lagu kala baxayo koobka adduunka, balse wuxuu noqon doonaa mid gala taariikhda FIFA sababo la xiriira isbeddello cusub oo markii ugu horreysay lagu soo kordhiyay final-ka.

Markii ugu horreysay taariikhda Koobka Adduunka, FIFA waxay qaban doontaa bandhigga nasashada inta u dhexeysa labada qeyb ee ciyaarta. Bandhiggan waxaa ka qeyb geli doona fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Shakira, Madonna, Justin Bieber iyo BTS, taasoo ka dhigaysa final-ka 2026 mid la mid ah qaabka Super Bowl-ka Mareykanka.

Sababta bandhiggan awgeed, waqtiga nasashada ayaa la filayaa inuu ka dheeraado 15-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, arrintaas oo dhalisay dood ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto ciyaartoyda marka ay dib ugu soo laabtaan garoonka.

Sidoo kale, FIFA waxay markii ugu horreysay taariikhda siin doontaa kooxda ku guuleysata championship rings (fargashiyo dahab ah), kuwaas oo loo sameeyay qaabka horyaalada waaweyn ee Mareykanka sida NFL iyo NBA. Kooxda guuleysata ayaa heli doonta 30 fargashi, halka tirada inteeda kale loo iibin doono taageerayaasha.

Go’aankan ayaa ka dhigay final-ka 2026 mid ka duwan dhammaan finaladii hore ee Koobka Adduunka, iyadoo FIFA ay isku dayeyso inay isku darto dhaqanka kubadda cagta iyo madadaalada caanka ka ah Mareykanka.

Arrintan ayaa dhalisay aragtiyo kala duwan, iyadoo qaar taageerayaan isbeddellada cusub halka kuwo kalena ay u arkaan inay wax ka beddelayaan dhaqankii caadiga ahaa ee koobka adduunka.

Iyadoo dhammaan waxyaabahan cusub ay barbar socdaan, indhaha dunidu waxay sidoo kale ku jeedaan waxa garoonka ka dhici doona, maadaama Argentina iyo Spain ay u dagaallamayaan hanashada koobka ugu weyn kubadda cagta adduunka. Caawa waxaa la filayaa in la qoro bog cusub oo taariikhda FIFA ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga