Anthony Gordon oo digniin loo diray & Laacibka durba afgambi kusameeyey ?

Barcelona ayaa xilli ciyaareedka cusub si xooggan ku bilaabatay, waxaana kooxda reer Catalonia lagu amaanay awoodda weerarkeeda, iyadoo Anthony Gordon uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda tan iyo markii uu Newcastle United uga soo biiray.

Gordon ayaa kulamadii ugu horreeyay ee Barcelona sameeyay saameyn muuqata, isagoo lix kulan ku sameeyay shan caawin, waxaana sidoo kale lagu amaanay shaqada uu qabto marka aysan kooxdu kubbadda haysan, Khabiirka kubbadda cagta Yurub, Andy Brassell, ayaa sheegay in Gordon uu yahay ciyaaryahan si weyn ugu habboon baahida Barcelona, gaar ahaan maadaama kooxda ay ku guuldarreysatay inay lasoo saxiixato Julian Alvarez.

Brassell wuxuu xusay in Gordon uusan kaliya ku fiicnayn weerarka, balse uu sidoo kale si weyn uga shaqeeyo difaaca iyo cadaadiska marka kubbadda laga waayo, Inkasta oo Gordon uu hadda door muhiim ah ku leeyahay garabka bidix, haddana xaaladda weerarka Barcelona ayaa keeni karta in tartan adag uu ka dhex dhasho ciyaartoyda.

Raphinha, oo asal ahaan garabka bidix ka ciyaari jiray, ayaa xilli ciyaareedkan loo beddelay weeraryahan dhexe, waxaana go’aankaas uu noqday mid si weyn u shaqeeyay, Brazilian-ka ayaa ilaa hadda dhaliyay 8 gool dhammaan tartamada, waxaana uu muujiyay inuu si fiican ula qabsan karo booska weerarka dhexe.

Si kastaba, warbixintu waxay sheegaysaa in Raphinha aan loo arkin xal muddo dheer ah oo weerarka dhexe ah. Barcelona ayaa weli xiisaynaysa weeraryahanno ay ka mid yihiin Julian Alvarez, halka Harry Kane iyo Erling Haaland sidoo kale loo tilmaamay xulashooyin haddii qorshaha Alvarez uusan hirgelin.

Haddii Barcelona ay mustaqbalka hesho weeraryahan dhexe oo cusub, Raphinha waxaa suuragal ah in dib loogu celiyo garabka bidix, Taasi waxay si toos ah u saameyn kartaa Gordon, maadaama Raphinha uu markaas tartan toos ah ugu noqon karo booska uu Gordon hadda haysto, Laakiin Raphinha ma aha ciyaaryahanka kaliya ee Gordon looga digay.

Karim Adeyemi, oo xagaagan Borussia Dortmund uga soo wareegay Barcelona, ayaa sidoo kale loo arkaa ciyaaryahan awood u leh inuu booska Gordon kula tartamo, Adeyemi ayaa xilli ciyaareedkan inta badan kursiga keydka ka bilaabay, isagoo kaliya laba kulan kasoo muuqday safka hore, Kulankii ugu horreeyay ee LaLiga ayuu ku bilowday, waxaana uu qayb ka ahaa guushii weynayd ee Barcelona ay 5-0 kaga adkaatay Elche.

Kulamada ka dambeeyay, Adeyemi wuxuu inta badan kusoo galay beddel ahaan, isagoo helay waqtiyo u dhexeeya 10 ilaa 28 daqiiqo, Si kastaba, markii uu beddel ku soo galay kulankii ugu dambeeyay, Adeyemi wuxuu dhaliyay goolkii xaqiijiyay guusha Barcelona, taasoo muujisay inuu weli haysto awood uu saameyn ugu yeesho kooxda.

Brassell ayaa sheegay in Gordon uu haysto tartan wanaagsan oo ku filan inuu feejignaantiisa sare u hayo, gaar ahaan Adeyemi oo diyaar u ah inuu fursad kasta ka faa’iidaysto.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga