Muxuu Rikoorka cajiib ah ee Barcelona ku argagaxisay Kooxaha yurub ?

FC Barcelona ayaa sii wadatay bilowgeeda cajiibka ah ee La Liga, kaddib markii ay 7–2 ku xasuuqday Racing Santander garoonka Camp Nou. Guushan waxay Barcelona siisay lix guulood oo xiriir ah oo horyaalka ah, iyadoo weliba ciyaartu muujisay awoodda weerarka kooxda Hansi Flick, Laakiin waxa si gaar ah indhaha loo hayo waa tirada fursadaha goolasha laga filayay (xG).

Barcelona ayaa kulankan sameysay 6.65 expected goals (xG), taas oo ah tiro aad u sarreysa. Xogta ciyaarta waxay sidoo kale muujineysaa in Barcelona ay 7 gool dhalisay iyadoo Racing ay lahayd 1.86 xG, Taasi waxay ka dhigan tahay in Barcelona aysan kaliya weerar badan sameyn, balse ay abuurtay fursado badan oo tayo sare leh.

Waxaa la xusuusan karaa kulankii hore ee Elche, markaas oo Barcelona ay sidoo kale abuurtay fursado badan balse aysan dhammaantood ka faa’iideysan.

Markan xaaladdu way ka duwanayd: Barcelona waxay abuurtay 6.65 xG, waxaana ay shabaqa ku hubsatey 7 gool.

Tani waxay muujinaysaa laba arrimood oo muhiim ah: Barcelona waxay abuureysaa fursado aad u tiro badan, Weeraryahannadu waxay si wanaagsan uga faa’iideysanayaan fursadahaas,  Cadaadiska iyo weerarka degdegga ah ayaa Racing ku qasbay khaladaad, 7 gool ayaa muujinaya awoodda weerarka kooxda Flick.

Raphinha ayaa ahaa xiddigii ugu weynaa kulanka, isagoo dhaliyay hat-trick, halka João Cancelo uu dhaliyay laba gool, Gabriel Jesus iyo Lamine Yamal-na ay midkiiba dhaliyeen hal gool, Raphinha ayaa sidaas ku gaaray 9 gool oo La Liga ah, isagoo noqday hoggaamiyaha gooldhalinta horyaalka waqtigan.

Barcelona hadda waxay leedahay 18 dhibcood kadib 6 kulan, iyadoo lixda kulan oo dhan guuleysatay, Waxay sidoo kale dhalisay 28 gool lixda kulan ee horyaalka, sida xogta FotMob ay muujisay.

Waxaa intaas dheer, guusha Racing waxay ka dhigtay bilowga Barcelona mid taariikhi ah, iyadoo kooxda Flick ay xilli ciyaareedka si rasmi ah ugu bilowday 7 guulood oo xiriir ah dhammaan tartamada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga