Macalinka Man City oo weerar cusub ku qaaday Manchester United una sheegay in hore usameeyeen ……

Tababaraha Manchester City, Enzo Maresca, ayaa ka hadlay murankii ka dhashay goolkii Erling Haaland uu ku dhaliyay kulankii Manchester Derby-ga ee ay Manchester City 1–0 kaga adkaatay Manchester United Axaddii, Haaland ayaa qeybtii labaad dhaliyay goolka keliya ee kulanka, kaasoo City siisay saddexda dhibcood. Hase yeeshee, goolka ayaa dhaliyay dood weyn oo ku saabsan garsoorka.

Hay’adda garsoorka England ayaa markii dambe qiratay in goolka aan loo baahnayn in la ansixiyo, iyadoo lagu sababeeyay in Enzo Fernández uu ku jiray offside isla markaana uu faragelin ku sameeyay ciyaarta, Maresca, sida uu soo xigtay wariyaha Fabrizio Romano, ayaa difaacay garsoorka, isaga oo sheegay in khaladaadka garsoorku ay qayb ka yihiin kubadda cagta ayna tahay in la aqbalo.

Tababaraha City ayaa tusaale u soo qaatay dhacdo hore oo isaga qudhiisu ku lug lahaa:- “Saddex sano ka hor waxaan Old Trafford kaga soo khasaarney derby-ga Manchester, goolkii la dhaliyayna waa inuu offside ahaa,  Qofna raalli-gelin kama bixin, welina waxaan sugaynaa raalli-gelintaas.”

Maresca ayaa intaas ku daray:- “Mararka qaar arrimuhu adiga ayay kuu shaqeeyaan, mararka qaarna kuma shaqeeyaan. Taasi waa kubadda cagta.”

Hadalladan ayaa yimid xilli dood xooggan ay ka taagan tahay go’aankii garsoorka ee goolka Haaland, iyadoo maamulka garsoorku uu qirtay qaladka, Manchester City ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa kulan kale oo muhiim ah, iyadoo caawa wajahaysa Norwich City wareegga 32-aad ee Carabao Cup.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga