Waxaa si rasmi ah u bilaabatay wareegga 5-aad ee LaLiga xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo tartanka gooldhalinta uu noqday mid aad u adag kaddib kulamadii ugu dambeeyay.
Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa sameeyay bandhig muhiim ah kulankii ay kooxdiisu Santiago Bernabéu kula ciyaartay Rayo Vallecano.
Mbappé ayaa qeybtii hore ciyaarta ku furay gool uu ka dhaliyay rigoore, ka hor inta uusan mar kale shabaqa taaban daqiiqadihii dambe ee ciyaarta, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee kulanka, Labo gool oo uu dhaliyay ayaa Mbappé ka dhigay inuu gaaro 6 gool LaLiga, wuxuuna sidaas ku biiray hoggaanka gooldhalinta.
Ciyaaryahanka Rayo Vallecano, Camello, ayaa isna shabaqa u saxiixay kooxdiisa kulankii Real Madrid, taasoo ka caawisay inuu gaaro lix gool oo horyaalka ah.
Sidaas darteed, Camello wuxuu hadda barbaro kula jiraa Mbappé iyo xiddiga Barcelona Raphinha, iyadoo saddexdooduba ay haystaan 6 gool.
🏆 Kala sarreynta gooldhaliyeyaasha LaLiga
- Kylian Mbappé – Real Madrid: 6 gool
- Camello – Rayo Vallecano: 6 gool
- Raphinha – Barcelona: 6 gool
- Roberto Fernández – Espanyol: 5 gool
- Yasser Zabiri – Racing Santander: 5 gool
- Fermín López – Barcelona: 4 gool
- Pierre-Emerick Aubameyang – Deportivo La Coruña: 4 gool
- Lamine Yamal – Barcelona: 4 gool
- Ante Budimir – Osasuna: 4 gool
- Lucas Boyé – Alavés: 4 gool
- Jude Bellingham – Real Madrid: 3 gool
Tartanka gooldhalinta ayaa weli ah mid furan, iyadoo Mbappé, Raphinha iyo Camello ay hadda si dhow ugu loollamayaan booska ugu sarreeya ee Pichichi-ga LaLiga.
Be the first to comment