Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sameeyay fal-celin lama filaan ah intii ay kooxdiisu wajahaysay Sunderland, kaddib markii garsoore Stuart Attwell uu kaarka jaalaha ah u taagay, Arteta ayaa caan ku ah inuu si weyn uga falceliyo dhacdooyinka ciyaarta, gaar ahaan marka uu ku sugan yahay diilinta tababareyaasha, waxaana mararka qaar lagu arkaa isagoo xadka u dhow marka uu kooxdiisa hagayo.
Intii lagu jiray qaybtii hore ee ciyaarta ka dhacday Stadium of Light, Arteta ayaa ka baxay aagga loogu talagalay tababaraha, Garsoore Stuart Attwell ayaa go’aansaday inuu u soo dhaqaaqo si uu uga digo dhaqankiisa, Markii Attwell uu jeebkiisa gacanta geliyay si uu u soo saaro kaarka, Arteta ayaa si lama filaan ah u dhoola-caddeeyay, isaga oo isku dayay inuu gacanta saaro garsooraha oo uu u ekaado inuu isku duubayo.
Garsooraha ayaa se aan ka falcelin isku daygaas, waxaana Arteta uu dib uga noqday, Attwell ayaa markaas si rasmi ah ugu taagay kaarka jaalaha ah, Markii kaarka la tusay, dhoolla-caddayntii Arteta waxay si degdeg ah isu beddeshay caro, waxaana uu garsooraha u sheegay sida uu uga xumaaday go’aanka.
Muuqaalka ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo taageerayaashu ay kaftan ka sameeyeen fal-celinta tababaraha Arsenal, Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa qoray: “Wuxuu isku dayay inuu isku duubo, laakiin waa la iska indhatiray.” Taageere kale ayaa ku kaftamay: “Wuxuu isku dayayay inuu dhunkado.”
Arteta ayaa mar kale ka carooday go’aamada garsoorka qaybtii labaad, markii Sunderland loo dhigay rigoore kaddib isku dhac dhex maray ciyaartoyda xilli ay sugayeen kubbad gees ah.
Si kastaba, goolhaye David Raya ayaa Arsenal badbaadiyay isagoo sameeyay badbaadin cajiib ah, ka hor inta uusan Bruno Guimarães meel fog ka dhalin gool uu Arsenal ugu dhiibay hoggaanka ciyaarta.
Arteta went in for a hug but came out with a yellow card 😭😂pic.twitter.com/S7aKnNMUts https://t.co/Fs46clHnhW
— TopCee (@UtdTopCee) September 12, 2026
Be the first to comment