Shaxda & Line Upka, Real Madrid oo shaacisay shaxda ay Rayo Vallecano ku wajahayso

Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa si rasmi ah u shaaciyay shaxda uu kooxdiisa ku bilaabayo kulanka ay maanta la ciyaarayaan Rayo Vallecano, kaas oo ka tirsan wareegga shanaad ee LaLiga xilli ciyaareedka 2026/2027.

Real Madrid ayaa Rayo Vallecano ku martigelinaysa garoonka Santiago Bernabéu, iyadoo Los Blancos ay doonayaan inay sii wataan guulaha oo ay saddexda dhibcood ka qaataan kooxda martida ah, Shaxda Real Madrid waxaa hoggaaminaya labada weeraryahan ee muhiimka ah, Vinicius Junior iyo Kylian Mbappé, kuwaas oo Mourinho ku tiirsan yahay si ay kooxda uga caawiyaan inay gaarto guulo iyo koobab xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale, Jude Bellingham, Federico Valverde iyo Bernardo Silva ayaa kasoo muuqday khadka dhexe, halka difaaca ay hogaaminayaan Antonio Rüdiger iyo Ibrahima Konaté.

Shaxda rasmiga ah ee Real Madrid:

Courtois; Dumfries, Konaté, Rüdiger, Carreras; Bernardo Silva, Valverde, Bellingham; Vinicius Junior, Yan Diomande, Mbappé.

Real Madrid ayaa kulanka galaysa iyadoo ku jirta kaalinta saddexaad ee LaLiga, waxayna leedahay 9 dhibcood kaddib afar kulan.

Kooxda caasimadda ayaa doonaysa inay ka soo kabato guuldarradii 1-0 ahayd ee ay kala kulantay Real Betis kulankeedii hore, waxaana Mourinho iyo ciyaartoydiisa ay rajeynayaan inay Bernabéu ku hor sameeyaan taageerayaashooda guul muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga