Tottenham oo sii wada dhiig baxa dhibcaha & xaaladooda oo sii xumaatay ………….

Tottenham Hotspur ayaa sii wadata bilowga liita ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay garoonkeeda ku kala baxeen 0-0 kooxda Everton, kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee Premier League, Tottenham ayaa martigelisay Everton iyadoo dooneysay inay hesho guusheedii muhiimka ahayd, waxaana indhaha si gaar ah loogu hayay xiddiga reer Masar ee Omar Marmoush, kaas oo tababare Roberto De Zerbi kusoo bilaabay garabka bidix.

Marmoush ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, gaar ahaan qeybtii hore, isagoo ahaa mid firfircoon, si wanaagsan u dhaqaaqayay, isla markaana dhibaato ku abuurayay dhinaca bidix ee weerarka Tottenham, Spurs ayaa labada qeyb ee ciyaarta haysatay kubadda inta badan, balse kooxda ayaa ku guuldarreysatay inay maamulkeeda kubadda u beddesho fursado cadcad oo halis ah.

Everton ayaa dhankeeda ku dhowaatay inay gool dhaliso qeybtii labaad, kaddib qalad weyn oo uu sameeyay goolhayaha Tottenham, Antonin Kinsky, Goolhayaha ayaa kubadda si khaldan ugu dhiibay weeraryahanka Everton ee Thierno Barry, balse ciyaaryahanka ayaa si lama filaan ah fursaddii u khasaarshay, isagoo kubadda si fudud ugu toogtay gacmaha goolhayaha.

De Zerbi ayaa isku dayay inuu wax ka beddelo ciyaarta, wuxuuna qeybtii labaad soo geliyay ciyaartoy weerar ah oo ay kamid yihiin Mathys Tel, James Maddison iyo Mohammed Kudus, laakiin isbeddelladaasi wax saameyn ah kuma yeelan natiijada.

Ugu dambeyn, Tottenham iyo Everton ayaa ku kala baxay 0-0, iyadoo Spurs ay heshay hal dhibic oo keliya, Natiijadan ayaa Tottenham ka dhigtay inay yeelato 2 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 17-aad, halka Everton ay gaartay 6 dhibcood, taasoo gelisay kaalinta 7-aad ee Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga