WAR CULUS:- Darren Bent oo Carrick kula taliyay inuu Laacib muhiim ah kursiga dhigo kulanka City ……

Tababarihii hore ee Manchester United, Michael Carrick, ayaa talo loo jeediyay ka hor kulanka weyn ee Manchester Derby, iyadoo khabiirka kubadda cagta Darren Bent uu doonayo in Marcus Rashford laga reebo shaxda koowaad, Rashford ayaa kasoo bilaabay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee Premier League ee xilli ciyaareedkan, balse weli ma uusan dhalin gool ama sameyn caawin. Inkastoo uu ciyaartiisa muujiyay horumar, Bent ayaa qaba in weeraryahanka kale ee kooxda uu mudan yahay booska hore.

Bent ayaa si gaar ah ugu baaqay Carrick inuu Benjamin Šeško kusoo bilaabo kulanka Manchester City, kadib markii weeraryahanka reer Slovenia uu gool dhaliyay kulankii Champions League ee Sabah oo United ay 4-0 ku badisay, Bent wuxuu sheegay in Carrick uu hadda haysto doorashooyin badan oo weerarka ah, maadaama Šeško, Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo ay dhammaantood qaab fiican ku jiraan.

wuxuuna aaminsan yahay in Šeško lagu ciyaarsiiyo booskiisa dabiiciga ah ee weeraryahanka dhexe, Si kastaba, Bent wuxuu qiray in talada Rashford kursiga lagu dhigo ay xoogaa cadaalad-darro noqon karto, maadaama uusan weli helin kulamo badan oo xiriir ah, Wuxuu sheegay in Rashford uu u baahan yahay inuu si joogto ah u ciyaaro si uu u gaaro heerkiisa ugu sarreeya, Dhanka kale, Carrick ayaa xagaagan si cad u muujiyay inuu ku qanacsan yahay Rashford, isagoo sheegay inuu kulankii Everton ahaa khatar joogto ah, isla markaana uu nasiib-darro u ahaa inuusan saameyn badan ku yeelan ciyaarta.

Manchester United ayaa hadda wajahaysa Manchester City, waxaana kulankaasi noqon karaa fursad muhiim ah oo Carrick ku go’aansado saddexda weeraryahan ee uu ku kalsoonaan doono.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga