Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in kooxdiisu ay si wanaagsan ugu diyaar garowday kulanka Sunderland, isagoo xaqiijiyay in aysan jirin dhaawacyo cusub oo waaweyn oo soo gaaray ciyaartoyda, Arteta ayaa si gaar ah uga hadlay Jurrien Timber, kaasoo kooxda la safray, isagoo sheegay inuu maalmahan si wanaagsan u tababaranayay isla markaana xaaladdiisu wanaagsan tahay.
Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale ku faraxsan tirada badan ee ciyaartoyda Arsenal ee loo magacaabay abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo sheegay in tani ay caddeyn u tahay horumarka iyo shaqada wanaagsan ee kooxda.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in ilaa 7 ciyaaryahan oo Arsenal ah lagu daro xulka England. Arteta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tayada, isku dheelitirka iyo shakhsiyadaha kala duwan ee kooxdiisa.
Arteta wuxuu amaanay kabtanka Martin Ødegaard, isagoo si gaar ah u xusay xiriirka wanaagsan ee ciyaareed ee ka dhexeeya Ødegaard iyo Bukayo Saka, Wuxuu sheegay in isku xirnaantooda ay Arsenal u horseeday caawimooyin iyo fursado badan.
Dhanka tartanka Premier League, saadaasha kombiyuutarka ayaa Arsenal siisay 53.71% fursad ay ku qaaddo horyaalka, halka Manchester City loo saadaaliyay 27.63%. Si kastaba, Arteta wuxuu sheegay inuusan ku mashquulsanayn saadaasha, balse uu diiradda saarayo kulanka xiga.
Arteta ayaa sidoo kale sharaxay sida fahamka ciyaarta loogu horumarin karo tababarka. Wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay si fiican u fahmaan doorkooda, waqtiga saxda ah iyo dhaqdhaqaaqyada looga baahan yahay garoonka.
Tababaraha Arsenal ayaa amaan gaar ah u jeediyay Kai Havertz, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan caqli badan oo si wanaagsan u fahma ciyaarta, isla markaana awood u leh inuu ciyaartoyda kale ka dhigo kuwo wanaagsan.
Havertz wuxuu sidoo kale ka ciyaari karaa boosas kala duwan, iyadoo Arteta uu sheegay in booska ugu habboon ee loo isticmaalo uu ku xiran yahay baahida kooxda iyo sida ciyaartu u dhacdo maalintaas.
Arteta wuxuu xusuustay in Arsenal ay xilli ciyaareedkii hore dhibco ku lumisay Sunderland, inkastoo ay taariikh wanaagsan ka leedahay kulamada ay la ciyaarto kooxdaas. Wuxuu sheegay in dhacdadaas ay casharro ka barteen, isla markaana aysan doonayn inay mar kale ku celceliyaan qaladkaas.
Ugu dambeyn, Arteta wuxuu sheegay in Arsenal ay diyaar u tahay kulanka, ayna doonayso inay Sunderland ka fiicnaato, kadibna ay gaarto saddexda dhibcood.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in kooxdu ay tahay inay la qabsato xaaladaha lama filaanka ah, sida dib u dhaca diyaaradda, isla markaana aysan xaaladahaas marmarsiiyo uga dhigan natiijo xun.
Be the first to comment