Xiriirka Kubadda Cagta Argentina ayaa qorsheynaya inuu sameeyo munaasabad gaar ah oo lagu maamuusayo Lionel Messi, inkastoo xiddiga Inter Miami uu dhawaan ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, Messi ayaa soo maray waayo-aragnimo taariikhi ah isagoo Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka, Copa América laba jeer iyo Finalissima, isagoo sidoo kale noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu guulaha badnaa taariikhda xulka.
Sida uu sheegay wariye Argentine ah oo lagu magacaabo Fide Cristofanelli, xiriirka Argentina ayaa qorsheynaya inuu casuumaad rasmi ah u diro Messi si uu uga qeyb galo kulamada saaxiibtinimo ee xulka inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah ee soo socda, Ujeeddada casuumaadda ayaa ah in Messi loo sameeyo sagootin rasmi ah, isla markaana uu helo fursad uu si gaar ah ugu macasalaameeyo taageerayaasha Argentina.
Argentina ayaa la qorsheynayaa inay ciyaarto laba kulan oo saaxiibtinimo ah, kuwaas oo ay kula kulmi doonto Burkina Faso iyo Benin, Mid ka mid ah kulamada ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka River Plate, halka kulanka kale lagu qaban doono garoonka Kempes ee magaalada Córdoba.
Dhanka kale, Messi ayaa sidoo kale ku jira liiska musharraxiinta Ballon d’Or 2026, kaddib markii uu ku guuleystay horyaalka Mareykanka isla markaana uu door muhiim ah ka qaatay in Argentina ay gaarto finalka Koobka Adduunka 2026.
Haddii qorshahan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa fursad gaar ah oo taageerayaasha Argentina ay ku sagootin karaan Messi, xilli uu soo gabagabeynayo cutubkii ugu weynaa ee taariikhdiisa xulka qaranka.
Be the first to comment