Majaladda caanka ah ee Faransiiska France Football ayaa shaacisay liiska ciyaartoyda u tartamaya abaalmarinta Kopa 2026, taas oo la siiyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan sannadka.
Abaalmarintan waxaa la bilaabay sanadkii 2018, waxaana loogu talagalay ciyaartoyda ka yar 21 sano, iyadoo magacyo waaweyn oo kubadda cagta ah ay hore ugu guuleysteen.
Ciyaartoydii hore u qaaday abaalmarinta waxaa ka mid ah Kylian Mbappé, Matthijs de Ligt, Pedri, Gavi, Jude Bellingham iyo Lamine Yamal.
Xiddiga reer Spain iyo kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa markale ku jira liiska musharraxiinta Kopa, Yamal ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kopa 2025, kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Barcelona, isagoo door muhiim ah ka qaatay guulihii kooxda iyo saddexleyda taariikhiga ah ee ay ku dhammeysteen xilli ciyaareedka, xilli kooxda uu hoggaaminayay tababare Hansi Flick.
Sidaas darteed, Yamal ayaa hadda fursad u haysta inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda sida ugu wanaagsan u difaacata abaalmarintan.
⭐ 10-ka musharrax ee Kopa 2026
Liiska ay France Football shaacisay waxaa ku jira:
- Ayoub Bouaddi – Morocco 🇲🇦 – Manchester City
- Karem Al-Ajbegovic – Austria 🇦🇹 – Juventus
- Yan Diomande – Ivory Coast 🇨🇮 – Real Madrid
- Pau Cubarsí – Spain 🇪🇸 – Barcelona
- Eli Junior Kroupi – France 🇫🇷 – Bournemouth
- Lennart Karl – Germany 🇩🇪 – Bayern Munich
- Lamine Yamal – Spain 🇪🇸 – Barcelona
- Ibrahim Maza – Algeria 🇩🇿 – Bayer Leverkusen
- Johan Manzambi – Canada 🇨🇦 – Aston Villa
- Warren Zaïre-Emery – France 🇫🇷 – Paris Saint-Germain
Liiskan waxaa ka muuqda ciyaartoy da’yar oo matalaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub, taasoo ka dhigaysa tartanka Kopa 2026 mid si weyn loo sugayo.
France Football ayaa sidoo kale shaacisay musharraxiinta abaalmarinnada kale ee Ballon d’Or, oo ay ka mid yihiin Yashin Trophy oo loogu talagalay goolhayaha ugu wanaagsan iyo Cruyff Trophy oo la siiyo tababaraha ugu wanaagsan.
Waxaa sidoo kale la shaacin doonaa musharraxiinta abaalmarinta ciyaaryahanka ragga iyo dumarka ugu wanaagsan sannadka.
Be the first to comment