Xiddiga Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro Ballon d’Or 2026, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in abaalmarinta sanadkan ay ku guuleysan doonto mid ka mid ah ciyaartoyda PSG.
Dembélé, oo ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii 2025 kadib markii uu PSG ku hoggaamiyay Champions League, ayaa sheegay inuusan shaki ka qabin in ciyaaryahan ka tirsan kooxda reer Paris uu mar kale qaadi doono abaalmarinta.
Wareysi uu siiyay warbaahinta, Dembélé wuxuu ku magacaabay saddex ciyaaryahan oo uu u arko inay yihiin musharraxiinta ugu waaweyn ee Ballon d’Or 2026 Saddexda ciyaaryahan ee uu doortay:- , Khvicha Kvaratskhelia (Paris Saint-Germain) , Harry Kane (Bayern Munich)
Kylian Mbappé (Real Madrid)
Dembélé ayaa si ula kac ah uga reebay liiskiisa Lamine Yamal, inkastoo xiddiga da’da yar ee Barcelona uu sanad cajiib ah soo qaatay, Markii la weydiiyay sababta uusan isagu isugu darin musharraxiinta, Dembélé wuxuu yiri:- “Marna nafteyda uma codeeyo. Haddii la iga codsado inaan cod bixiyo, nafteyda ma dooran doono.”
Si kastaba ha ahaatee, markii la weydiiyay ciyaartoyda mustaqbalka ku guuleysan kara Ballon d’Or, Dembélé ayaa xusay magacyo ay ka mid yihiin Michael Olise, Lamine Yamal, Fabián Ruiz iyo Willian Pacho, isagoo sheegay inay yihiin ciyaartoy leh tayo sare oo mustaqbal weyn leh.
Lamine Yamal ayaa xilli ciyaareedkan ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo la ciyaaray xulka Spain, sidoo kale wuxuu la qaaday La Liga iyo Spanish Super Cup kooxda Barcelona, taasoo sii xoojisay doodda ku saabsan inuu ka mid yahay musharraxiinta ugu cadcad Ballon d’Or 2026.
Be the first to comment