Majaladda caanka ah ee France Football ayaa si rasmi ah u shaacisay shanta kooxood ee u tartamaya abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Adduunka ee 2026, taasoo ka mid ah abaalmarinnada Ballon d’Or.
Abaalmarintan ayaa sanadkan la qabanayaa markii labaad tan iyo markii ay iskaashi yeesheen UEFA iyo France Football, iyadoo sidoo kale la bixin doono abaalmarinno ay ka mid yihiin Goolhayaha ugu Fiican (Yashin Trophy), Ciyaaryahanka Da’da Yar ee ugu Fiican (Kopa Trophy), Tababaraha ugu Fiican iyo Kooxaha ugu Fiican ragga iyo dumarka.
Kooxda Paris Saint-Germain, oo ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah, ayaa mar kale ka mid noqotay musharraxiinta kadib markii ay finalka rigoorayaal kaga adkaatay Arsenal, Dhanka kale, Arsenal ayaa sidoo kale liiska gashay kadib markii ay ku guuleysatay horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 22 sano ah, iyadoo sidoo kale gaartay finalka Champions League.
Bayern Munich ayaa iyaduna loo magacaabay abaalmarinta kadib markii ay ku guuleysatay dhammaan koobabkii gudaha Germany isla markaana ay gaartay afar dhammaadka Champions League, kooxda reer Norway ee Bodø/Glimt ayaa si lama filaan ah uga dhex muuqatay musharraxiinta, kaddib olole cajiib ah oo ay ka samaysay Champions League, halkaas oo ay ku garaacday Manchester City iyo Atletico Madrid, sidoo kalena ay ka reebtay Inter Milan tartanka.
Kooxda reer Brazil ee Flamengo ayaa dhammaystirtay liiska, kadib markii ay ku guuleysatay Copa Libertadores, isla markaana gaartay finalka Intercontinental Cup, inkastoo ay rigoorayaal uga adkaatay PSG, Waxaase si weyn loo hadal hayaa maqnaanshaha Barcelona, inkastoo ay ku guuleysatay La Liga iyo Spanish Super Cup, isla markaana ay gaartay wareegga siddeed dhammaadka Champions League.
Musharraxiinta Abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Adduunka 2026:
Arsenal
Paris Saint-Germain (PSG)
Bayern Munich
Bodø/Glimt
Flamengo
Nominated for the 2026 Men’s Club of the Year
🏴 Arsenal
🇩🇪 Bayern Munich
🇳🇴 Bodø/Glimt
🇧🇷 Flamengo
🇫🇷 Paris-SGFollow our live on https://t.co/tzQSMLbRtM#ballondor pic.twitter.com/GhyFozGS4R
— Ballon d’Or (@ballondor) September 8, 2026
Be the first to comment