Weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka England, Harry Kane, ayaa ka hadlay fursaddiisa uu ugu guuleysan karo Ballon d’Or 2026, isagoo sheegay in go’aanka kama dambaysta ahi uusan isaga gacantiisa ku jirin, balse uu ku xiran yahay codbixiyeyaasha, Kane ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida weyn loogu saadaalinayo inay ku tartamaan abaal-marinta ugu weyn ee shaqsiga ah ee kubadda cagta, kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay.
Harry Kane ayaa xilli ciyaareedkii tegay dhaliyay 73 gool isagoo matalayay kooxdiisa iyo xulka qaranka England. Tiradaas waxaa ka sarreysa oo keliya Lionel Messi, oo dhaliyay 82 gool xilli ciyaareedkii 2011/12.
Kane: “Waxaan sameeyay xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa” waxa uu raaciyey: -“Aad ayaan ugu faanayaa wixii aan qabtay xilli ciyaareedkii hore. Mar waxaan ahaa taageere ku riyoonayay inaan noqdo ciyaaryahan xirfadle ah, maanta waxaan u tartamayaa abaal-marinnada ugu waaweyn.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ballon d’Or waa arrin ka baxsan awooddayda. Waxaa go’aamiya codbixiyeyaasha iyo dadka doorashada sameeya. Waxaan sugayaa waxa dhici doona.”
Kabtanka England ayaa sheegay inuusan ku mashquulsanayn oo keliya abaal-marinta, balse uu diiradda saarayo sidii uu u sii horumarin lahaa heerkiisa, waxa uu yiri :- “Waxaan hadda diiradda saarayaa xilli ciyaareedkan iyo kuwa soo socda. Mar walba waxaan is weydiiyaa inaan ka sii fiicnaan karo iyo inaan sii horumari karo.”
Kane ayaa sidoo kale amaanay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, isagoo sheegay inuu ku soo barbaaray daawashadooda waxa uu sheegay “Messi iyo Ronaldo waa ciyaartoydii ugu waaweynaa jiilkeenna, laga yaabee taariikhda kubadda cagta oo dhan. Markii aan gaaray 73 gool ayaan runtii la yaabay, sababtoo ah waxaan ogahay sida ay u adkayd tirooyinkii ay gaari jireen.”
Majaladda France Football ayaa maanta shaacin doonta liiska musharrixiinta Ballon d’Or 2026, iyadoo Harry Kane lagu tilmaamayo inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaal-marinta sanadkan, kadib qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa.
Be the first to comment