Arsenal iyo Chelsea ayaa maanta ku kulmaya Emirates Stadium, iyadoo labada kooxood ay si fiican ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub, mid walbana uu guuleystay labadii kulan ee ugu horreeyay. Kulankan ayaa loo arkaa imtixaankii ugu weynaa ee labada kooxood ilaa hadda.
Mikel Arteta ayaa ku kalsoon awoodda khadkiisa dhexe, gaar ahaan Declan Rice, Martin Ødegaard, Martin Zubimendi iyo Bruno Guimarães. Arsenal waxay sidoo kale leedahay difaac aad u adag, taasoo ka dhigaysa kooxda mid si fiican ugu diyaarsan dagaalka Chelsea.
Si kastaba, Arsenal waxay weli wajahaysaa dhaawacyo, iyadoo William Saliba uu maqnaan karo, halka Bruno Guimarães iyo Cristhian Mosquera xaaladdooda la qiimeynayo, Xabi Alonso iyo Chelsea waxay ku tiirsanaan doonaan Cole Palmer, Morgan Rogers iyo João Pedro, kuwaas oo si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedka.
Chelsea ayaa labadii kulan ee hore dhalisay 12 gool, laakiin difaaceeda ayaa sidoo kale muujiyay daldaloolo ay Arsenal ka faa’iideysan karto, Mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee Chelsea ka hor kulanka ayaa ah xaaladda Moisés Caicedo, Ciyaaryahanka reer Ecuador ayaa dhaawac ku maqnaa bilowgii xilli ciyaareedka, waxaana uu kulankii Brighton kusoo galay beddel, balse 13 daqiiqo kaddib ayaa laga saaray, Xabi Alonso wuxuu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah laga gaarayo xaaladdiisa.
Kulankan wuxuu sidoo kale noqonayaa markii ugu horreysay ee Mikel Arteta iyo Xabi Alonso ay si rasmi ah isku wajahaan Premier League, Labada tababare waxay leeyihiin falsafado kala duwan, Arteta wuxuu xoogga saaraa xakameynta ciyaarta iyo nidaamka difaaca, halka Alonso uu Chelsea ku dhisay weerar degdeg ah iyo qaab ciyaareed dabacsan.
Be the first to comment