Real madrid oo wajaheysa dhibaatooyin ka hor kulanka inter milan & Xidigo badan oo seegi doona

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulankeeda ugu horreeya ee Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo Inter Milan ay ku soo wajahan tahay Santiago Bernabéu Talaadada, 8-da September. Kulanka ayaa bilaabanaya 9:00 fiidnimo waqtiga Spain, Real Madrid ayaa kulankan u gelaysa kadib guuldarro 1-0 ah oo ay kala kulantay Real Betis, taasoo ahayd jabkii ugu horreeyay ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Difaaca cusub ee Madrid, Marc Cucurella, ayaa kulankii Betis garoonka uga baxay isagoo la ildaran dhaawac muruqa ah,  Inkastoo aan la soo sheegin dhaawac culus, haddana waxaa jira shaki ku saabsan inuu waqtigeeda ku soo kaban doono si uu uga hor yimaado Inter, haddii uusan diyaar noqon, Mourinho wuxuu u baahan karaa inuu ku tiirsanaado Álvaro Carreras booska daafaca bidix.

Mourinho ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatooyin kale oo dhanka xulashada ah,  Tchouaméni ayaa dhaawac ku maqan, halka Arda Güler, Eduardo Camavinga iyo Bernardo Silva ay kulanka Inter ku seegayaan ganaaxyo ka dhashay tartankii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore.

Waxaa intaas dheer ciyaartoy dhaawacyo qaba oo ay ka mid yihiin Éder Militão iyo Rodrygo, halka Ferland Mendy xitaa uusan ku jirin liiska Real Madrid ee Champions League xilli ciyaareedkan, Kulanka ayaa ah mid culus maadaama labada kooxood ay horey taariikh dheer ugu leeyihiin Champions League,  UEFA waxay sheegtay in Madrid ay badisay 10 ka mid ah 19 kulan oo ay labada kooxood hore u ciyaareen, iyadoo sidoo kale Real Madrid ay guuleysatay lix ka mid ah toddobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Inter la ciyaartay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga