Warbaahinta Spain ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin cusub oo ku saabsan sida Gabriel Jesus ugu dambayn ugu biiray Barcelona, iyadoo heshiiskan uu ahaa mid muddo dheer miiska saarnaa, balse marar badan dib loo dhigay, Barcelona ayaa xagaagii 2026 sameysay toddobo saxiix, waxaana ugu dambeeyay Gabriel Jesus, kaasoo kooxda reer Catalonia ay si lama filaan ah ula soo wareegtay kadib markii ay adkaatay inay hesho Julian Alvarez.
Sida ay qortay wargeyska Sport, heshiiska Gabriel Jesus uma uusan dhicin sida heshiis degdeg ah oo xilliga suuqa lagu sameeyay. Magaca weeraryahanka reer Brazil wuxuu miiska agaasimaha ciyaaraha Barcelona, Deco, saarnaa muddo ku dhow sagaal bilood, Barcelona waxay hore u ogayd in xilli ciyaareedkii hore uu u badnaa inuu ahaa kii ugu dambeeyay ee Robert Lewandowski uu kooxda la sii joogo. Iyadoo Barcelona ay si weyn u dooneysay Julian Alvarez, wakiillada ciyaartoyda ayaa kooxda u soo bandhigay weeraryahanno kala duwan, waxaana liiskaas ku jiray Gabriel Jesus.
Bishii December ee sanadkii hore, Deco wuxuu garwaaqsaday in Gabriel Jesus uu noqon karo xulasho macquul ah oo Barcelona lagu xoojin karo, Sababaha heshiiska u soo jiitay Barcelona waxaa ka mid ahaa qiimaha oo kooxda dhaqaale ahaan u fududaan kara iyo suurtagalnimada in heshiiska la sameeyo xitaa suuqa jiilaalka.
Laakiin waxaa jiray walaac weyn oo ku saabsan taariikhda dhaawacyada Gabriel Jesus, taasoo keentay in Deco uusan markaas aqbalin heshiiska, Deco iyo tababare Hansi Flick waxay isla qaateen in waqtigaasi uusan ku habboonayn in la keeno weeraryahan aan si buuxda u diyaarsanayn, maadaama Barcelona ay horey u haysatay ciyaartoy ku filan oo xilli ciyaareedka sii wadi kara.
Inkasta oo faylka Gabriel Jesus dib loo dhigay, haddana gabi ahaanba lama xirin, Wakiillada ciyaaryahanka ayaa marar badan magaca Jesus dib ugu soo celiyay Barcelona, laakiin Deco wuxuu ku adkeysanayay in mudnaanta kooxda ay yihiin ciyaartoy kale, gaar ahaan Julian Alvarez.
Markii uu suuqa xagaaga furmay, isla faylka Jesus ayaa mar kale hor yimid Deco. Jawaabtii Barcelona waxay ahayd sidii hore: Gabriel Jesus ma ahayn xulashada koowaad, waxaana xitaa aan Arsenal lala xiriirin si loo ogaado qiimaha iyo shuruudaha heshiiska.
Xaaladdu waxay is beddeshay markii heshiiska Julian Alvarez uu noqday mid ku dhow wax aan suurtagal ahayn, Barcelona ayaa markaas ku qasbanaatay inay u laabato qorshihii labaad—ciyaaryahankii muddo sagaal bilood ahaa mid mar walba dib loo dhigay, Kadib markii uu Hansi Flick oggolaaday, Deco wuxuu go’aansaday inuu dhaqaaqo.
Arrintu waxay si gaar ah u xawaareysatay 27-kii Agoosto, maalintii Barcelona ay la ciyaaraysay Athletic Bilbao, Deco wuxuu ogaaday in waqtigii go’aanka la qaadan lahaa la gaaray, Barcelona waxay ogayd in Arsenal diyaar u tahay inay Gabriel Jesus ku iibiso qiime la awoodi karo oo ku dhow €10 milyan, Waxa kaliya ee haray ayaa ahaa in heshiiska mushaharka ciyaaryahanka wax laga beddelo.
Arrintaas waxaa lagu dhammeeyay wax ka yar 24 saacadood, iyadoo la isku afgartay mushaharka, sidoo kalena qandaraaska lagu daray qodob u oggolaanaya in heshiiska loo kordhiyo sanad saddexaad, Ugu dambayn, dhammaan dhinacyadii ayaa ku qancay heshiiska, Gabriel Jesusna wuxuu noqday ciyaaryahan Barcelona ah.
Sagaal bilood oo xiriir iyo wada-hadal ah ayaa ugu dambayn ku dhammaaday in Gabriel Jesus uu xirto funaanadda Barcelona, Laakiin su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah: Gabriel Jesus ma awoodi doonaa inuu caafimaad ahaan joogteeyo?
Sidoo kale, ma soo celin karaa heerkii ciyaareed ee lagu yaqaanay, kaasoo hoos u dhacay muddo dheer?, Arrintan ayaa ahayd walaaca ugu weyn ee Deco tan iyo dhammaadkii sanadkii hore, waxaana hadda la sugayaa in Jesus uu garoonka kaga jawaabo shakiyadaas.
Be the first to comment