Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay xaaladda kooxdiisa ka hor kulanka weyn ee Premier League ee ay Axadda Emirates Stadium ku qaabilayaan Chelsea, Arteta ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dhaawacyada ciyaartoyda, suuqa kala iibsiga oo xirmay iyo bixitaankii Gabriel Martinelli, iyadoo Arsenal ay isku diyaarinayso kulan adag oo London Derby ah.
Arteta ayaa sheegay in Bruno Guimaraes uu dhaawac fudud ama jug ka qaatay kulankii Aston Villa, balse la qiimeeyay, waxaana la rajeynayaa inuu Sabtida tababarka ku soo laabto, dhanka kale, Cristhian Mosquera oo tababarka ka maqnaa ayaa xaaladdiisa lagu tilmaamay mid taxaddar ah, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah laga gaari doono kadib tababarka xiga.
Arteta ayaa sidoo kale sheegay in Jurrien Timber uu hadda xaalad wanaagsan ku jiro, isla markaana uu dhowr toddobaad garoonka ku jiray isagoo tababar la qaadanaya kooxda. Si kastaba, go’aanka ku saabsan inuu ciyaari doono kulanka Chelsea waxaa la gaari doonaa kadib tababarka, dhinaca William Saliba, Arteta wuxuu sheegay in horumarka dhaawaciisa uu yahay mid wanaagsan, waxaana lagu daray kooxda Arsenal ee Champions League, Tababaraha ayaa sheegay in weli la sugayo sida uu uga jawaabi doono marxaladaha soo kabashada.
Arsenal ayaa suuqa xagaaga ka baxday iyadoo aan helin weeraryahan kale oo heer caalami ah, inkastoo kooxda lala xiriiriyay ciyaartoy waaweyn sida Vinicius Junior iyo Julian Alvarez, Arteta ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu waqti badan ku bixiyo waxyaabihii aan dhicin, maadaama suuqu hadda xirmay. Wuxuu sheegay inuu diiradda saarayo ciyaartoyda uu hadda haysto iyo tayada kooxda, wduxuu sheegay inuu uga mahadcelinayo Martinelli wax kasta oo uu Arsenal u qabtay, isagoo xusay in ciyaaryahankii uu kooxda ku soo biiray iyo ciyaaryahankii hadda ka tagay ay si weyn ugu kala duwan yihiin dhinaca shaqsiyadda iyo kubadda cagta.
Arteta wuxuu Martinelli ku tilmaamay ciyaaryahan muhiim ah oo kaalin weyn ka qaatay horumarka Arsenal iyo gaarista yoolal badan, Inkasta oo Arsenal ay iibisay ama fasaxday qaar ka mid ah weeraryahannadii, Arteta wuxuu sheegay inuu ku qanacsan yahay ciyaartoyda uu hadda haysto.
Wuxuu sheegay in kooxda ay leedahay ciyaartoy tayo badan, isla markaana aysan doonayn inay diiradda saarto waxyaabihii suuqa laga waayay.
Arteta ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka uu la leeyahay tababaraha Chelsea, Xabi Alonso, Wuxuu sheegay inay leeyihiin xiriir soo jireen ah, balse marka ay labada kooxood garoonka isku wajahaan ay saaxiibtinimadu dhinac u dhacdo, iyadoo tartanka Premier League uu noqdo waxa ugu muhiimsan.
Arsenal ayaa hadda indhaha ku haysa inay sii waddo bilowgeeda wanaagsan ee xilli ciyaareedka, iyadoo kulanka Chelsea uu noqon doono imtixaan weyn oo horyaalka ah.
Be the first to comment