Neymar oo ka hadlay mustaqbalkiisa: “Weli kama fikirayo inaan ciyaaraha ka fariisto”

Xiddiga reer Brazil Neymar Jr. ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu qorsheynayo inuu ka fariisto kubadda cagta, isagoo caddeeyay inuu weli diiradda saarayo kooxda Santos.

Neymar ayaa sheegay: “Ma ka fikirayo inaan ciyaaraha ka fariisto.”

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay inuu heshiis kula jiro Santos ilaa bisha December, isla markaana uu doonayo inuu kooxda u qabto wax walba oo uu awoodo:-  “Waxaan qandaraas kula jiraa Santos ilaa December. Waxaan rabaa inaan sameeyo wixii ugu fiicnaa ee aan u qaban karo kooxda. Marka heshiiskaas dhammaado ayaan ka fiirsan doonaa fursadaha i horyaalla.”

Neymar ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin halka uu mustaqbalkiisu noqon doono:- “Inaan sii joogo, inaan baxo, inaan fariisto ama aan sii ciyaaro… ma aqaano! Waqti ayaa wali ka harsan ilaa December. Markaas ayaan arki doonaa waxa dhaca.”

Dhanka kale, aabaha Neymar ayaa sheegay inuusan gebi ahaanba meesha ka saareyn suurtagalnimada in wiilkiisu mar kale u ciyaaro xulka Brazil.

Wuxuu yiri: “Ma dammaanad qaadi karo inuu gabi ahaanba ka dhammaaday Seleção (xulka Brazil). Waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto.”

Laakiin Neymar ayaa si kaftan leh uga jawaabay hadalka aabihii, isagoo yiri: “Aabbahay ma aha qofka ciyaaraya!” 😄

Hadalladan ayaa muujinaya in Neymar uusan weli go’aan kama dambeys ah ka gaarin mustaqbalkiisa, iyadoo albaabka uu weli u furan yahay inuu sii wato ciyaaraha, isla markaana xitaa dib ugu soo laabto xulka qaranka Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga