Liverpool oo qorsheynaysa 4 saxiix oo waaweyn ka hor xiritaanka suuqa kala iibsiga

Tababaraha cusub ee Liverpool, Andoni Iraola, ayaa si tartiib tartiib ah u qiimeynaya kooxdiisa intii lagu jiray safarkii diyaar-garowga ee Mareykanka, balse guuldarradii 4-2 ee ka soo gaartay Leeds United ayaa muujisay meelaha kooxda ay u baahan tahay in la xoojiyo.

Liverpool ayaa qeybtii hore ku hoggaamineysay ciyaarta 2-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay Luke Chambers iyo Florian Wirtz, hase yeeshee Leeds ayaa qeybtii labaad dhalisay afar gool 25 daqiiqo gudahood, iyagoo ciyaarta si cajiib ah ugu rogay guul.

Iraola wali ma uusan la shaqeyn qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda, kuwaas oo fasax ku maqan kadib Koobka Adduunka.

Waxaa ka mid ah Virgil van Dijk & Alexis Mac Allister , Labada ciyaaryahanba kama qeyb gelin safarkii Mareykanka.

Ka hor kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaari doonto Newcastle United 23-ka Agoosto, Iraola ayaa doonaya in Liverpool ay suuqa ka sameyso saxiixyo muhiim ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda ay qorsheyneyso afar saxiix oo cusub ka hor xiritaanka suuqa kala iibsiga.

1. Daafac dhexe oo cusub

Mudnaanta ugu weyn ee Liverpool ayaa ah inay hesho daafac dhexe.

Kooxda waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhaawacyo ah:- Giovanni Leoni ayaa dhaawac culus oo ACL ah soo gaaray kulankiisii ugu horreeyay & Jeremy Jacquet, oo isna xagaagan la soo iibsaday, wali kama uusan muuqan kulamada diyaar-garowga.

Arrintaas ayaa ka dhigtay in Liverpool ay si degdeg ah u raadiso daafac cusub oo xoojiya safka dambe.

Iraola oo doonaya koox tartan u diyaarsan

Tababaraha reer Spain ayaa la rumeysan yahay inuusan ku qanacsaneyn qoto dheerida kooxda, gaar ahaan dhanka daafaca, wuxuuna doonayaa in maamulka Liverpool ay dhammeystiraan saxiixyo cusub ka hor bilowga xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa rajeynaysa in xoojinta kooxda ay ka caawin doonto inay si xooggan ugu bilowdo ololaha Premier League isla markaana ay dib ugu soo laabato tartanka hanashada horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga