Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in hay’adda kubadda cagta adduunka ay ka laabatay qorshihii muranka dhaliyay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka (FIFA World Cup).
Go’aankan ayaa yimid kadib markii qorshahaasi uu wajahday mucaaradad xooggan iyo dhaleeceyn ballaaran oo ka timid dhinacyo kala duwan.
Infantino ayaa qirtay in mashruucu uu abuuray kala qaybsanaan, taasoo ka fogaatay ujeeddadii markii hore laga lahaa.
Isagoo arrinta ka hadlayay ayuu yiri:
“Mashruucan wuxuu abuuray kala qaybsanaan, taasoo aan hadda dan ugu jirin himiladii asalka ahayd. Sidaas darteed, qorshahan hore looma sii wadi doono.”
Qorshahan ayaa la doonayay in maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay ay saamiyo ku yeeshaan dakhliga iyo xuquuqaha ganacsi ee Koobka Adduunka, balse diidmada ballaaran awgeed FIFA ayaa ugu dambeyn go’aansatay inay gebi ahaanba joojiso hindisahaas.
Go’aankan wuxuu ka dhigan yahay in Koobka Adduunka uusan geli doonin nidaamka iibinta saamiyada, isla markaana FIFA ay dib uga laabatay mid ka mid ah qorshayaashii ugu muranka badnaa ee maamulka Gianni Infantino.
Be the first to comment