Madaxweynaha Inter oo fariin u diray Mourinho ka hor kulanka real madrid vs inter – “waan kulmeynaa”

Madaxweynaha Inter Milan, Giuseppe Marotta, ayaa si weyn uga hadlay kulanka adag ee kooxdiisa ay la ciyaari doonto Real Madrid bilowga Champions League 2026/27, Real Madrid ayaa 8-da Sebtembar ku martigelin doonta Inter garoonka Santiago Bernabéu, iyadoo kulankani si gaar ah u noqonayo mid xasaasi ah, maadaama tababaraha Real Madrid, José Mourinho, uu horay Inter Milan ugu hoggaamiyay Champions League iyo Treble-kii taariikhiga ahaa ee 2010.

Marotta ayaa sheegay in Champions League uu mar walba leeyahay xamaasad iyo dareen gaar ah, isagoo tilmaamay in Inter ay markii 9-aad oo xiriir ah ka qaybgalayso tartanka, waxa uu si gaar ah u xusay dib-u-midoobidda Mourinho iyo Inter, isagoo sheegay in ay jiri doonto “kulan gaar ah” oo ay la yeeshaan tababarahoodii hore marka ay Madrid tagaan.

“Waxaan mar kale ku laabaneynaa Bernabéu, waxaana jiri doona dareenno badan oo ku habboon munaasabaddan,” ayuu yiri Marotta.

Kulanka ayaa sidoo kale xambaarsan xusuus weyn, maadaama Mourinho uu Inter u horseeday Champions League 2010, xilli ay kooxda Talyaanigu qaaday Treble-kii taariikhiga ahaa, dhanka kale, taariikhda labada kooxood waxay muujinaysaa in Real Madrid ay leedahay 7 guul, halka Inter ay leedahay 5 guul, iyadoo hal kulan uu barbaro ku dhammaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga