DEG DEG Man City oo u dhaqaaqday Saxiix weyn oo Liverpool katirsan ?

Manchester City ayaa si xooggan ugu dhaqaaqday saxiixa Cody Gakpo, iyadoo xaaladda ciyaaryahanka ay saacadihii ugu dambeeyay si weyn isu beddeshay, wararka cusub ayaa sheegaya in Gakpo uu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Manchester City, isla markaana wadahadallada u dhexeeya dhammaan dhinacyada ay hadda socdaan.

Liverpool ayaa dhinaceeda heshiis la gaartay PSG si ay u hesho garabka Bradley Barcola, heshiiskaas oo gaari kara £123 milyan, tani waxay sii kordhisay suurtagalnimada in Gakpo uu ka tago Anfield.

Manchester City ayaa Gakpo u aragta bartilmaameed muhiim ah, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay raadineyso xoojin cusub oo weerarka ah,. Liverpool-na waxay doonaysaa in haddii Gakpo la iibiyo ay hesho ciyaaryahan kale oo garabka ah oo booskiisa buuxiya.

Waxaa la fahamsan yahay in Liverpool ay Gakpo ku qiimeyneyso ugu yaraan £80 milyan, iyadoo Manchester City hadda si dhab ah uga shaqeyneyso sidii heshiiska loo dhammeystiri lahaa ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xirmi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga